Vi arbetar för ett samhälle
fritt från diskriminering.

Soo dacwee takoorka

(Anmäl diskriminering)

Waxaad halkan ka heleysaa macluuaad ku saabsan sida dacwad waxyaalaha takoorka ku saabsan loogu sameeyo, waxa ay dacwadi noqon karto iyo siyaabaha kala duwan ee aad dacwada DO (wakiilka laga dacweeyo kiisaska takoorka) looga sameyn karto.

Maxaan dacwad ka soo gudbin karaa?

Waxaad soo dacweyn kartaa:

  • Haddii aad la kulantay takoorid
  • Haddii lagu geystay aargudasho (ciqaab)
  • Haddii lagu dulmay markaad fasaxa waalidka ku jirtay
  • Haddii loo shaqeeyaha iyo waxbarasho diyaariyayaashu aanay shaqadii ay takoorka kaga hor tagaayeen ku guuleysan (tallaabooyin cad ka qaadin)

Ogsoonow inaad wax kale dacwad ka soo gudbin karto. Waxaad tusaale ahaan sifo waalid ahaan dacwad u sameyn kartaa ilmahaaga.

Foomka internetku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish, laakiin waxaad foomka ku buuxin kartaa luqad aad rabto.

Maxaa dhacaya markaan dacwad sameeyo?

(Vad händer med min anmälan?)

Waxaanu wada eegaynaa dhammaan dacwadaha DO soo gaadha. Waxaanu marka hore qiimaynaynaa in waxaad dacwada ka soo gudbineyso uu sharcigu kafeynaayo/daboolaayo. Waxa taasi loola jeedaa, haddii ay takoor noqon karto, dhibaatayn galmada, aargoosi ama dulmi fasaxa waalidka la xiriira. Haddii dalabkaagu aanay sharciyada takoorku dabooleynin ayaananu markaas baaritaan ku sii sameyn doonin. Markaas ayaad taas ogaan doontaa.

Waxaanu rabnaa inaan dacwadaha ugu badan ee suurtogalka ah baaritaan ku sameyno maadaama oo aanu rabno in qaladka dadka la takooray laga galay dib loo saxo. Laakiin waa inaanu dacwadaha la soo gudbiyey kala doorano xitaa haddii ay sharciga takoorku daboolaayo. Taasi waxa sabab u ah iyadoo ay DO sanad walba dacwado badan hesho (qiyaas ahaan 3500 oo dacwooyin sanadkii 2020) iyadoo aananu fursado aanu dhamaantood baadhitaan ugu sameyno aananu haysan. Haddii aananu dacwadaada baaritaan ku sameyn doonin ayaad taas warbixinteeda helaysaa.

Markay DO baaritaan ku sameynayso dacwad ayaanu qiimeyn doonaa haddii dhacdada laga soo dacwooday ay sharciga ka hor imanayso - waxa taas loola jeedaa, takoorka, dhibaateyn galmada, aargoosiga ama dulmida sida sharciga fasaxa waalidka ku xusan. Markaanu mawqif ka qaadano ayaanu sidoo kale qiimeyn doonaa haddii ay suurtagal tahay in magdhow laga dalbado cidaas/waxqabadkaas (tusaale, shaqo bixiye, dugsi ama dukaan) sameysay waxa uu sharcigu takooridu mamnuucaayo. Waxaan sidoo kale, haddii loo baahdo, kiisaska qaarkood u gudbin karnaa maxkamad. Markaas ayay maxkamaddu qiimeyn madax banaan ku sameyn doontaa haddii uu sharcigu dhacdada daboolaayo/kafeynaayo iyo haddii kale waxayna go'aan ka gaari doontaa wixii qadar magdhow takoorka ah ama magdhowga kale.

Waxyaalaha ay muhiimka tahay in laga fikiro

  • Foomkaaga dacwada si qeexan oo faahfaahsan ugu buuxi waxyaalaha dhacay iyo goorta ay dhaceen.
  • Sheeg sida ama siyaabaha uu falka dhacay xiriir ula yeelan karo sababaha takoorka.
  • Waxa muhiim ah inaad dhakhso u bilowdin haddii ay dacwadu nolosha shaqada khuseyso. Xadka wakhtiga ee ay maxkamadi kiis ku eegi karto ayaa kiisaska qaarkood noqon karta afar bilood, laakiin mararka qaarkood waa muddo gaaban oo laba tobaad ka dib marka dhacdada laga soo dacwooda.
  • Haddii aad ururada shaqaalaha xubin ka tahay, la xiriir ururkaaga. Ururadu shaqaalaha ayaa marka hore ah cidda dadka xubnahooda ah dhacdooyinka takoorka khuseeya ka caawinaysa.
  • Dacadaada ayaa fal guud noqon doonta. Waxay sidoo kale taasi khusaysaa waxyaabaha dacwada ku lifaaqan. Waxa taas micnaheedu yahay in qof kastaa uu DO la soo xiriiri karo si uu qoraalada/dhokumentiyada ugu helo. Laakin intaan la siinin ka hor ayay DO macluumaadka ku jira qoraalada dib u eegi doontaa inay sir ahaadaan sida waafaqsan xeerka helitaanka xogta dadweynaha iyo sir haynta.
  • Haddi ay DO qaadato in baaritaan lagu sameeyo ayaa qofka dacwada laga soo gudbiyey ogaan doona inaad dacwad samaysay.

(Så behandlar vi dina personuppgifter)

Waa mid aan qasab aheyn in foomka macluumaadka shakhsiga la buuxiyo. Waxaanad u baahneyn inaad macluumaadkaaga shakhsiga gudbiso ama xogta shakhsiga ee kale si ay DO ugu eegto, akhrido oo ay dacwadaada ugu diiwaan galiso.

Waxaanu macluumaadka shakhsiga ugu soo ururinaa si ay DO ugu gudan karto shaqadeeda ka hortaga takoorka iyo in la kobciyo xuquuqda iyo fursadaha loo siman yahay

Waxa macluumaadka shakhsiga kaliya la maareyn doonaa uun haddii ay daruuri u tahay si ay DO shaqadeeda ugu qabato. Waxa macluumaadka shakhsiga loo isticmaali karaa marka kormeer la sameynaayo iyadoo markaasna la siin doono cida ay khusyso ee arinta baaritaanka ku lugta leh.

Xogta shaqsiga ayaa sida mabda'a daah-furnaanta bulshada waafaqsan la siin karaa warbaahinta iyo shakhsiyaadka gaarka ahba. Waxay DO markasta eegaysaa haddii ay macluumaadka ku jira qoraalada guud ay sirhayntu qabanayso ka hor inta aan la bixin.

Sidinformation

Senast uppdaterad: 19 juli 2022